fbpx

COVID-19 oo loo yaqaano corona virus

Hel wararka ugu muhiimsan ee COVID-19 oo ka socota Wiisarada caafimaadk iyo dowlada deenishka

Smitte|stop-app

  • Smitte|top waa app nagu caawinaya dhammaanteen inaan joojino faafitaanka COVID-19 ee Denmark.

    App-ka wuxuu suurtagal kaaga dhigayaa inaad ogeysiiso halista caabuqa dadka aad u dhowdahay laakiinse aadan aqoon fiican u laheyn, tusaale ahaan gaadiidka dadweynaha ama maqaayadaha.

    Marka ay dadka isticmaalka app-ka kordhaan, silsiladaha faafinta caabuqa baa yareyn karnaa.

    App-ka smitte|stop ayaa ku siinaya
  • Ogeysiis, haddii aad u dhowdahay qof haysta cudurka coronavirus oo cusub. Waa lagu soo ogeysiinayaa talooyinka maamulku soo gudbiyey, si silsilada caabuqa loo joojiyo.
  • Awoodda aad u diri karto farriin dadka kale ee aad u dhaweyd, haddii lagaa helay cudurka coronavirus oo cusub. Waad ogeysiinaysaa dadka kale iyagoo aan arkeyn cidda aad tahay, meesha ama goorta ay kuu dhowaayeen.

    Ku saabsan smitte|stop

  • Waa ikhtiyaar in aad isticmaashid oo soo dajisatid smitte|stop.
  • App-ku waa mid sugan oo ilaalin doona xogtaada taleefanka.
  • Xogta ku saabsan cidda aad isu dhowdihiin, waxaa lagu kaydiyaa taleefankaaga kaliya, markaa ma  jiraan masuuliyin u adeegsan kara macluumaadka taleefankaaga ku jira.
  • App-ka waa mid dhameystiran oo dhijitaal ah, oo ku wajahan dadaallada kale ee dowladdu naga caawinayaan oo ah in aanu is daryeelno iyadoo bulshada ay dib isu fureyso.
  • App-ka waxa lagu soo saaray wadashaqeyn dhex martay Wasaaradda Caafimaadka iyo Waayeellada, Wakaaladda Deenishka ee Amniga Bukaanka, Maamulka Caafimaadka, Guddiga Digitalka, Machadka Dowladda ee Serum iyo Netcompany.
  • Waxaad ka helaysaa app-ka smitte|stop meesha aad caadiyan kala soo baxdid app-yada moobaylka.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Macluumaad cusub oo ku saabsan tilmaamaha safarka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee ku saabsan COVID-19

Waxa furan in loo safri karo dalal badan oo EU/Schengen iyo UK kamid ah, halkaasoo Machadka Dowladda ee Serum ku qiyaaseen in cudurka faafintiisu hooseeyo, deenishkuna ay soo geli karaan wadanka iyagoon xayiraad lagu soo xadirin. Wadamada ku jira EU/Schengen iyo UK, oo Machadka Dowladdu u aqoonsadey inay yihiin ‘dalalka karantiil’ sababtuna ay tahay caabuqa faafidiisa iyo isbadalkooda, kuwaas oo calaamad oranji ah la saarey, taas oo ah tallooyinka Wasaaradda Arimaha Dibadda (tallado waa ha safrin safar aan loo baahneyn). Tilmaanta safarka ayaa sidoo kale calaamad oranji lagu muujiyey oo ah waddamada EU/Schengen iyo UK oo xayiraad weyn galiyeen dadka deenishka ah ee u safrayan.

Ka akhriso macluumaadka ku saabsan tilmaamaha safarka ee Wasaaradda Arimaha Dibada ee wadamada EU iyo Schengen, halkan. Læs mere om Udenrigsministeriets rejsevejledninger for EU- og Schengenlande her.

Intaa waxaa sii dheer, Wasaaradda Arimaha Dibadda waxay furtay safaro lagu tagi karo dhowr dalal oo ka baxsan EU / Schengen iyo UK, halkaasoo EU ay qiimeysay in horumarka caabuqa wadamadaas uu ka hooseeyo ama la mid yahay EU. Halkan, sidoo kale, shuruudo dheeraad ah ayaa laga yaabaa in dalku uu san lahayn xayiraad soo gelitaan wadanka ah ama shuruudaha karantiil ee loogu talagalay dadka safarka ah ee deenishka ah iyo in xaaladda guud ee amniga waddanka la aqbali karo.

Ka akhri faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tilmaamaha safarka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee wadamada ka baxsan EU iyo Schengen, halkan. Læs mere om Udenrigsministeriets rejsevejledninger for lande uden for EU og Schengen her.


Wadamada uu tilmaamaha safarku yahay huruud, Wasaaradda Arimaha Dibadda waxay kugu dhiirigelineysaa inaad taxaddar dheeraad ah muujiso, lasocoto tilmaamaha safarka ee dalka oo aad raacdo talooyinka Wasaaradda Arimaha Dibada ee gaarka u ah waqtiga COVID-19 Udenrigsministeriets særlige rejseråd til en tid med COVID-19. Waxaa sidoo kale lagugula talinayaa inaad kala soo dajisato app-ka ”Rejseklar” oo aad isku qorto liiska dheenishka (Danskerlisten). Ka dib waxaad heli doontaa macluumaad haddii ay jiraan isbed dhinaca tilmaamaha safarka ee wadanka aad u safraysid.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad la cusboonaysiiyey oo ku saabsan dal kaste oo ku sugan boggaga safaaradaha deenishka. Waxay noqon kartaa macluumaad ku saabsan xannibaada safarka iyo tallaabooyin kale oo ay qaadaan maamulka deegaanka si looga hortago faafitaanka cudurka.

Denmark kuma lahan safaarado dalalkoo dhan. Safaaradaha qaarkood ayaa sidaas daradeed ka masuul ah dhowr wadan. Waxaad ka heli kartaa safaaradda adiga ku quseysa, adiga magaca dalka ku qoraya halkan he

Støt Mino Danmarks arbejde.


Dib u furitaanka Denmark hadda waa marxaladda 3aad

Laga bilaabo Isniinta, 8da Juun, 2020, qaybo badan oo Denmark kamid ah ayaa dib loo furi doonaa. Waxa laga hadlayaa:

  • Hoolalka ciyaarta, hoolalka dabbaasha, garoomaha ciyaarta iyo meelaha lagu maydho
  • Hoolalka isboortiga iyo xarumaha jimicsiga
  • Garoomada madaddaalada ee dibedda – oo xaddidaad leh madaddaalo qaarkood ah
  • Hawlahasamarka ee carruurta iyo dhalinyarada
  • Aroosyada iyo xafladaha waa weyn – oo ay suuragal tahay in la isoogu yimaado 500 oo qof oo xaalado gaar ah jira, haddii ay ka dhacdo makhaayad u adeegta cuntada iyo hool sharixidda. Si kastaba ha noqotee, looma ogola in la kiraysto guriga shirarka ama wixii la mid ah oo la uruuriyo 500 oo qof
  • Shirarka iyo kulano guud – oo ay suuragal tahay in la isoogu yimaado ilaa 500 oo qof iyadoo xaaladaha gaar jiraan
  • Kubadda Cagta – iyadoo ay suurtagal tahay in la uruuriyo ilaa 500 oo qof iyadoo jiraan xaalado gaar ah.


Mamnuucida goolaha isu imaanshada ayaa kor loo qaadayaa laga bilaabo 8da Juun, 10kii qof waxa loo badalayaa ilaa iyo 50 qof.

Dowladdu waxay dooneysaa in xayiraadda golaha bulshadda laga bilaabo 8da Luulyo loo kordhiyo 100 qof, 8da Agoostona loo kordhiyo ilaa 200 oo qof. Tani waa rabitaan weli lama dhaqan gelin.

Kala duwanaanshaha goboladda

Sababo ku saabsan cadaadiska cudurka oo kala duwan marka la fiiriyo goboladda, ayaa sidoo kale jira kala duwanaansho heer gobol ah oo ku saabsan dib-u-furista dalka. Tusaale ahaan, dhamaan shaqaalaha dawlada dhinaca galbeedka Storbælt ka xigga, hada waxay haystaan ​​fursad ay jidh ahaan ku kula kulmaan goobahooda shaqadda. Goobaha shaqada bulshada ee Gobolka Sjælland iyo Gobolka Caasimaddal ayaa la filayaa inay dib u furmaan Isniinta, 15ka Juun.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Xuduudaha qayb ahaan waa la furay, laakiin safarka caalamiga ah wali taladu waa ha safrin

Soo koobid ku saabsan shika-jaraa’ideed ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Jimcaha,bisha Maayo, maalinta 29 ee 2020

Dhammaan safarrada dibedda talado waa illaa iyo 31da Agoosto in la safrin. U safridda Norwey, Iceland iyo Jarmalka waa la ogalyahay.

Laga bilaabo Juun 15da, Denmark waxay xuduudaha u furi doontaa booqadayaasha ka yimaada Norway, Iceland, iyo Jarmalka. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiri doona xayiraadyo dhowr ah oo loogu talagalay dalxiisayaasha ka yimaada waddamadaas. Waxyaabaha kale. waa inay ugu yaraan Denmark joogaan 6 habeen hadey soo safraan, waana inaysan joogin caasimada. Baaritaan qaadis baa lagu sameyn doonaa xuduudaha wadanka.

Illaa iyo hada, xadku wuu ka xirnaanayaa martida Sweden. Tani waxa keentay in ay hab ka duwan loola dhaqmey xaaladda caabuqa corona ee waddankaas deriskeena ah.

Fasaxa samarka ka dib, furitaanka xadka ayaa la fiirini doonaa ee wadamada kale Schengen.

Dhaqanka dhammaanteen waa mid muhiim ah sida ay noqoni doonta bulshada dib loo furayo. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii aanu safarno samarka, , sida aan u dhaqanno markaanu safarka ku jirno.

Haddii aad u safarto dalal kale, waxaad halis ugu jirtaa inaad cudurka qaadsiiso oo aad cudurka u soo qaadatid guriga. Sidaa darteed waxa lagula talinayaa in laga fogaado u safridda magaalooyinka waaweyn. Waxaa sidoo kale lagula talinayaa in aad socdaal ahaan, la socotid wargalinta ku saabsan xayirinta wadankaad tagtey.

Mas’uuliyiinta caafimaadku waxay kaloo aad kugula talinayaan inaad is galiso 14 maalmood oo karantiil ah marka aad dibadda ka soo noqotid, xitaa haddii ay tahay safar gaaban oo aad ku tagtey Sweden.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Hadda waad balansan kartaa baarinta corona – xitaa haddii aadan lahayn astaamaha

Looma baahna hadda in laguu helo gudbinta dhakhtarkaaga si aad u hesho waqti loogu talagalay baaritaanka cudurka corona. Laga bilaabo toddobaadkan dhammaan muwaadiniinta Denmark, waa inay awoodi karaan inay ballan ka qabsadaan websaydhka www.coronaprover.dk. Waxa looo bahanyahay isticmaalka ”Nem-ID”

Arintaan waxa lagu sheegay war-saxaafadeed, in ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Waayeelku soo bandhigtey.

Waqti ayaad u qabsan kartaa waqtiga aad baaritaanka rabtid, ama yeelo astaamaha cudurka ama ha yeelanin. Mar alla markii waqtiga helo, baaritaanka waxa lagu qaadayaa mid ka mid ah teendhooyinka cad cad ee loogu talagaley dalka oo dhan.

Si kastaba ha noqotee, Wasaaradaa Caafimaadka waxay xasuusteen in baaritaanka corona uusan cadeyneynin in tilmaamaha masaafada iyo nadaafadda ay tahay in weli si ballaaran looga fiirsado cudurka. Tijaabadu 100% maaha oo laguma kalsoonaan karo, waxana jiri kara xaalado uusan caabuqu baaritaankiisu xitaa cadeyneyni karin in qofku qaadey cudurka.

Ka eeg wax dheeraad ah https://www.dr.dk/nyheter/indland/nu-kan-alle-danskere-blive-corona

Støt Mino Danmarks arbejde.


Dawladdu waxay soo bandhigtey istiraatiijiyad cusub oo ku saabsan baarista iyo soo ogaanshaha caabuqa faafa

Daqiiqadaha shir-jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada, 12ka Maajo, 2020 Denmark ayaa wakhtiyadan ugu danbeysay kor u qaadey baarista COVID-19, waxayna hadda ka mid tahay waddamada adduunka ee dadka ugu tirada badan baartey, marka la barbar dhigo tirada dadka deggan. Laakiin waxaan u baahanahay inaan xitaa ka sii fiicnaano. Sababtoo ah haddii caabuqu mar kale soo baxo, waxaan u baahan nahay inaan ogaano waqtigiisa, sidaa darteedna waxa loo baahanyahay ogaanshaha waxtarka leh ee cudurka.

Waxaa loo baahanyahay in la fogeeyo bukaanka si aanu uga hortagno faafida cudurka, iyadoo aan mar kale bulshada la wada xirin. Waxa kaloo jirta baahi loo qabo in la hubiyo in dadka waayeelka ah iyo kuwa nugul in ay iyaguna sidoo kale ay xorriyadda iyo nolol maalmeedkooda caadiga ah ay ay ku noqoni karaan, si hadana loo arki karo carruurta iyo ayeeyooyinka/awoowooyinka.

Istaraatiijiyadda cusub ee lagu ogaanayo faafida caabuqa, waxa ka mid ah: Marka qof cudurka laga helo, masuuliyiinta waxay bilaabi doonaan todobaadnkan ka bacdi, inay ogaadaan qofka cudurka leh oo uu xiriir la lahaa qofkaas. Shakhsiyaadkaas ayaa markaa la baari karaa isla markaana karantiil ama gooni u dhigid loo galini karaaa, ka hor intuusan caabuqa sii faafin. Dowladda ayaa diyaarineysa khad toos ah, ee ka caawiya dadka cudurka qaba inay helaan xiriirka cudurka iyaga ku faafiyey, si loo hubiyo im faafinta caabuqa joojismo.

Intaas waxaa sii dheer, dowladda oo ka caawineysa degmooyinka dalka, in ay caawiyaan muwaadiniinta aan kaligood degganaan karin guryahooda.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Marxaladda 2aad ee dib u furista ayaa hadda bilaabatay

Soo koobid shir jaraaid ee 7dii Maajo oo ka socota raiisel wasaaraha Mette Frederiksen

Deenishku waxay u hogaansameen tilmaamaha maamulka ee masaafada, nadaafadda, iwm. Sidaa darteed, hadda waa suurtogal in la sii wado furitaanka tartiibta ee Denmark. Si kastaba ha noqotee, tilmaamaha maamulka caafimaadka ee masaafada jireed iyo nadaafadda wanaagsan wali way soconeysaa, waana muhiim in wado talooyinka in la fuliyo hadey furitaankani noqonayo guul.

Marka lagu daro tilmaamaha la yaqaan, dib u furista waxay kuxirantahay qorsheyn tijaabo ah. Hada waxa la sareysiinayaa in macaal dadka astaamaha khafiifka haysta la baaro, baafiinta cudurka iyo karantiil in lagu sameeyo dadka qaadey cudurka. Intaa waxaa sii dheer, baaritaan ayaa sidoo kale hadda lagu sameynayaa dadweynaha, halkaas oo muwadaniyiinta loogu yeerayo in la baaro, macaal hadey haysanin astaamaha cudurka. Marxaladdaa 2aad ee dib u furinta waxaa ka mid ah:

· Dib u furid buuxda, oo ay ku jiraan suuqyada waaweyn (laga bilaabo Maajo 11)

· Makhaayadaha, kafateeriyada iyo wixii la mid ah, wax wey gadi karaan iyagoo wadaya in ay la socdaan tilmaamaha gaarka ah ee masaafadda jirka (laga bilaabo Maajo 18)

· Fasalada 6 ilaa iyo 10 ayaa ku laaban kara, in ay skool aadaan (laga bilaabo Maayo 18)

· Shirkadaha gaarka ah qaarkood waxay furayaan imaansashada shaqaalahooda

· Ciyaaraha jimicsiga ee xirfadlayaasha waa in la furaa iyadoon daawadayaal imaanin

· Laybeeriyada baa furayaa amaahashada buugaagta (laga bilaabo Maajo 18)

· Ciyaaraha jimicsiga dibedda iyo ururada waa in dib loo bilaabo haddii loo fulin karo hab caafimaad.

· Kaniisadda Dadweynaha iyo bulshooyinka diimaha waa in la furaa si qaab caafimaad ah (laga bilaabo 18 Meey) Go’aan kama gaaro goorta xadka ku meel gaarka ah la joojin doono. Dowladdu waxay taas sheegi doontaa ugu danbeyn 1da Juun 2020. Haddii dib-u-furistu ay sababto in cudurka Corona uu kaco, xawaaraha dib-u-furida ayaa hoos loo dhigi doonaa. Nidaamka Daryeelka Caafimaadku waa inay la socon karaan, anaguna waa inaa is ilaalinaa bilaha soo socda.

Ka sii akhriso https://www.regeringen.dk/nyheter/2020/pressemoede-om-genaabning-af-danmark-fase-2/

Støt Mino Danmarks arbejde.


Guddida Caafimaadka ayaa beddelay macnaha “kooxaha khatarta ku jira”

Markii la sameeyay qeexitaan aad u ballaaran oo ku saabsan kooxaha khatarta ku jira ee cudurka COVID-19, Gudidda Caafimaadka ayaa hadda caddeysay kooxdee baa ka mid ah kooxda khatarta ku jira haduu uu caabuqa coronavirus ko dhaco. Waxaa hadda jira 7 kooxood oo khatar ku jira: 1. Dadka da’da weyn – waxay ku xirantahay xaalada guud ee caafimaadka Khibradeenu waxay na tustey in caabuqu khatar u yahay dadka ka weyn 70, waliba gaar ahaan dadka ka weyn 80 sano, oo ah markaas dadka khatar ugu jira xanuun daran. Dadka 65 jirka ah iyo kuwa ka yarba waxay si gaar ah khatar ugu jiraan haddii ay qabaan hal ama dhowr cudur oo raaga. Markaa, dadka da’da ka weyn 65 sano looma tirinayo inay si toos ah halis ugu jiraan, haddii ay caafimaad qabaan, jir ahaana ay firfircoonyihiin. Waxay sidoo kale ka dhigantahay in ayeeyooyinka iyo awoowooyinka, hadey caafimaad qabaan oo inay arki karaan oo hab siin karaan ciyaalka caafimaadka qaba ay ayeeyda iyo awoowga u yihiin.. 2. Dad degen xanaanada dadka waaweyn Dadka degen guryaha lagu xanaaneeyo waxay u badanyihiin dad waayeel ah, waxay leeyihiin cudurada raaga iyo tabar daro. Waxay dhammaan intani kor u kicineysa khatarta ay ku jiraan. 3. Dadka miisaanka culus Miisaanka culus ayaa badanaa lagu arkaa xaalada guud ee cudurada raaga sida sokorta ama cudurada wadnaha. Gaar ahaan dadka qaba BMI ka sareysa 35, ama BMI ka weyn 30 oo haystana cudur raaga, waxay halis ugu jiraan jiro daran hadey qaadaan COVID-19. 4. Dadka qaba cudurada raaga Maaha in dhamaan dadka qaba cudurada raaga inay ku jiraan dadka khatarta ku jira, gaar ahaan haddii si haboon loo daweeyo. Halkan waxaad ka heli kartaa liiska cudurrada keena xanuun daran hadaa laa qaado COVID-19: https://www.sst.dk/da/Udgivelser/2020/Personer-med-oeget-risiko-ved-COVID-19 5. Caruurta qaba cudurada raaga Caruurta qaarkood ee qaba cudurada raaga, waxa dhici karta in ay khatar dheeraad ah ugu jiraan COVID-19. Kuwaasi waxay noqon karaan caruur horey u lahaan jiray – macaal cudurkan faafey ka hor – caawimaad dheeraad ah dhinacaa skoolka ama daryeelka. Caruurtan iyo qoysaskooduba waxay heli doonaan la talin shaqsiyeed ah, meelaha loogu talagay

6. Dadka aan lahayn deganaansho rasmi ah Dadka aan lahayn deganaansha joogta ah, badanaa waxay fursad u laheyn inay ilaaliyaan nadaafad wanaagsan ama ka fogaadaan dadka kale. Tani waxay keenaysaa in kor u kacayo faafinta caabuqa. Intaa waxa u dheer, dad badan oo aan lahayn guri joogto ah in ay sidoo kale haystaan cudurada raaga. Labadaa marka la isku daro, waxay ka mid yihiin dadka nugul cudurku xanuun daran u keeni karo.

7. Xaamiloyiinka Tani wali waxay ku saleysantahay mabda digtooni ah, maadaama dumarka uurka leh guud ahaan ay u nugulyihiin cudurada caabuqa ah. Lama tusin in haweenka uurka leh ama ilmaha aan dhalan ay khatar ugu jiraan cudur marka dad weynaha kale la isu barbar dhigo. Si kastaba ha ahaatee, xaamilooyinka isbitaalka la dhiigay COVID-19 awgeed, marka seddexda bilood ee ugu danbeysa uurka la gaaro, waxa lagu qalayaa cunuga intena la gaarin maalinta loo qabtey foosha. Intaa waxaa sii dheer, khatarta lagu yaqaano hooyada iyo ilmaha.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Cinwaanka: Macluumaad kooban ee shirka jaraaid ee xafiiska Raiisel wasaaraha 30ka bisha Maarso 2020


Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay sheegtey in dadaalada Denmark ay shaqeynayaan. Waxay tilmaamtay in horumarku si sax ah u socdo. Waxay ku dhawaaqday, in Denmark bilaabi karto dib u furitaanka si tartiib ah oo inyar inyar ah. Si kastaba ha noqotee, waxay u baahan tahay horumarka in la sii wado sida uu hadda yahay – oo markaa waa inaan loo arkin fursad loo wadin dhiirigelinta. Waqtigan xaadirka ah waa inaan ku hayno, aan ilaalinno masaafadeena oo aan hubinno inaan u hoggaansanno tilmaamaha maamulka. Tani waxay shardi u tahay dib u furista si tartiib ah ee bulshada deenishka ka dib maalinta Ciidda Masiixiga. Haddii kale, ficil ka adag ayaa loo baahan karaa. Cudurka faafa weli muusan dillaacin; waxaan rajeyneynaa in weli dad buka oo aad u tiro badan, bukaano dhakhtarka la dhigey iyo dhimasha intaa ka badan ay imaan doonaan. In kasta oo ay umuuqato inay tahay wax iska hor imaad ah in la furayo Denmark markay dadku dhimanayaan, waxay ku saabsan tahay in cudurka la kontoroolo. Sidaas awgeed raisalwasaaraha ayaa todobaadka soo socda ka wada xaajoonaya dib u furista Denmark si dhow ulana yeelanayo gudoomiyaasha xisbiyada baarlamanka – soona bandhigi doona qorshaha dhamaadka todobaadkan. Intaas waxaa sii dheer, dowladu waxay u direysaa farriin gaar ahaan waayeelka iyo dadka nugul, taas oo ay tiri waa inay fuliyaan inay sii wadaan abaabulidda noloshooda marka loo eego halista cudurka. Waa adag tahay, laakiin si iska hor-imaad ahaan, kan ugu liita waa inuu noqdaa kan ugu xoog badan xilligan. Si kastaba ha noqotee, rajo ayaa jirta, ayay tidhi. Sida ay hadda u muuqato, waxaan ku guuleysanay inaanu jajabino cudurka – xaaladdu wali waa halis oo hadda baaritaan ballaaran ayaa loo baahan yahay. In kasta oo faafitaanka cudurka hadda la xakameynayo, wali waxaan haynsanaa cudurkan faafan.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Cinwaanka: Dhiirigelin ka socota Golaha Caafimaadka: Ka ilaali naftaada iyo dadka kale cudurka coronavirus

Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato waxyaabaha ku saabsan corona:

Waxaan hadda ku dhex jirnaa cudur faafid. Sidaa darteed, waxa muhiim ah in la yareeyo faafinta cudurka.

Sidaa darteed guddiga guud ee caafimaadka ayaa qof walba ku dhiirigelineysa inay raacaan talooyinkaan.

Hadaad caafimaad qabtid:

  • Ka fogow xiriir aan loo baahnayn oo weydiiso dadka kale inay fiiro gaar ah yeeshaan.
  • Haddii aad u soo dhawaatay qof muujinaya calaamadaha cudurka infekshanka coronavirus, fiirsasho gaar
    ah u yeelo astaamahaaga.
  • Daryeel kuwa aad jeceshahay oo haddii ay gaar ahaan u nugul yihiin laakiinse adigoo ka fog taas samee

    Haddii aad leedahay calaamadaha jirradan:
  • Guriga joog ilaa laba maalmood ka dib marka aad ka bogsato astaamaha.
  • Ka fogow dadka kalee guriga, kuna hoos jir bustaha sida ugu macquulsan.
  • Ka taxaddar nadaafadda shaqsiyeed iyo nadaafadda.
  • U hel kuwa kale oo kaa caawiya wax iibsigaada oo kula xiriir taleefanka.
  • Haddii aad isku aragto astaamaha sii xumaanaya, waxa laga yaabaa inay qandho badan tahay ama
    dhibaatooyin xagga neefsashada ah, markaa wac dhakhtarkaaga.

    Naftaada ka dhawr si aad dadka kale u ilaaliso.

    Sst.dk/corona
    Coronasmitte.dk

Støt Mino Danmarks arbejde.


Dowladdu waxay dheereysay xiritaanku oo sii soconaya ilaa iyo Abriil 13keeda, 2020.

Shirka jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada waxay dhacdey 23.03.2020 saacadu markay tahay 15.00

Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay kordhisay dadaallada corona iyo dhammaan waxqabadka arrintan ilaa iyo 13ka Abril 2020.

254 baa isbitaalka la dhigay oo haysta coronavirus, 55 waxay ku jiraan qaybta daryeelka degdegga ah, 24 qofna way dhinteen.

Dowladdu waxay u hoggaansantahay dhammaan dadaallada ay qaadeen. Hawsha ugu weyn waa in laga hortago in dad badani innu<u7 ay si daran u bukoodaan. Sidaa darteed, dowladdu waxay dheereeyeen xiritaanka illaa iyo 13ka Abril, 2020.

Raisalwasaaraha Mette Frederiksen ayaa ku nuuxnuuxsatay inay muhiim tahay in dhammaanteen aan u hoggaansanno tilmaamaha oo aanu dib u dhigno safaradeena, inkasta oo ay adag tahay maalinta Ciidda Masiixiga (Påske). Dhiirrigelinta ayaa ah inaadan safrin, xitaa haddii ay Denmark dhexdeeda tahay.

Qoysaska halista ugu jira waxay u baahan yihiin daryeel deg-deg ah, maadaama ay jiraan awood fiican oo lagu daryeelo carruurta iyo dhalinyarada. Boosaas baa hostelyada loo sameeyey oo loogu talagaley dadka hoy la’aanta ah si ay u haystaan meel ay joogaan ama ku jiraan haddii ay bukoodaan.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in howlo badan loo qabtay sidii loo ballaarin lahaa loona horumarin lahaa awoodda daweynta. Kuuriyada Koonfureed ayaa lala xiriiray iyaga oo codsaday codsi ah in ay aqbalaan soo iibsiga qalabka la iskaga cabiri karo cudurka.

Gabagabadii, Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay inay jeclaan doonaan inay aqbalaan dhammaan deeqaha la bixiyo. Hadaad rabto inaad caawiso fadlan booqo coronasmitte.dk. Halkaas waxaad ka heli doontaa xiriiriye ‘Denmark ka caawiya Denmark’ halkaas oo aad u tegi karto, kana heli karto qiimeyn fudud oo deg deg ah oo ku saabsan deeqdaada.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Calaamadaha coronavirus waa in la baaro dadka uurka leh kahor dhalashada

Khamiista, Maarso 19keeda, Maamulka Caafimaadka ee Qaranka (Sundhedsstyrelsen) wuxuu soo saaray tilmaamo cusub oo ku saabsan sida loo caawini karo dumarka uurka leh ee xanuunsan iyo dhalmada, lammaanahooda iyo ilmaha dhasha ah.

Markay uur leh uu u sii socdo isbitaalka, waa in laga baaraa coronavirus.
Haddii baaritaanku muujiyo in haweeneyda uurka lihi ay cudurka qaadday, taxaddar gaar ah waa in la qaataa oo shaqaaluhu ay tahay inay xirtaan maaskaro iyo qalab kale. Qofta dumarka ah ee uurka lihi sidoo kale waa inay xirataa maaskaro.

Haddii cunugga looga shakisan yahay inuu qabo fayruska, waxaa lagu daaweynayaa iyada oo ku saleysan mabda ‘taxaddar ah sidii oo ay ku dhacday cudurka illaa ay ka hesho jawaabta baaritaanka.
Intaa waxaa dheer:
lammaanaha/hu cudurka qaba ma soo geli karo dhalitaanka cunugga. Tani waxay sidoo kale quseysaa caabuq la tuhmayo.
Intaas waxaa sii dheer, lammaanaha cudurka qaba waa inuu ka fogaadaa cunugga illaa intay astaan ​​la’aan ahaato 2 maalmood.

Intaa waxaa sii dheer, isbitaallada qaar ka mid ah waxay hadda sheegeen in kaliya lammaanaha/hu ay joogi karaan dhalista qaraabo ahaan soo loo yareeyo yareeyaan qaadista cudurka.

In kasta oo hooyadu ay ku dhacday cudurka ‘covid-19’, haddana kama soocna ilmaha mooyaane haddii hooyadu ku jirto xaalad halis ah oo u baahan daaweyn.
Haddii hooyada la tijaabiyo si fiican laakiin uma baahna daaweyn, markaa talo ahaan ayaa ah inay sida ugu dhakhsaha badan ugusoo laabato isbitaalka. Waxaa la siin doonaa hagitaan ah sida isha loogu hayo caafimaadka ilmaha.
Hooyooyinka cudurka qaba waa inay sidoo kale naasnuujiyaan, laakiin waxa lagula talinayaa inay naaska ku dhaqaan biyo iyo saabuun ka hor naasnuujinta oo ay xirtaan maaskaro. Si tan loo sameeyo, dhaq gacmaha iyo alkoolna isticmaal.

Sawirrada ”scan” oo muhiim ah waa la sii wadayaa, oo ay ku jiraan laablaabyada qoorta iyo wixii la mid ah.

Waxaa la filayaa in diyaarinta dhalashada la kansali karo iyo in umulisadu taleefanka ku sii socoto. Si kastaba ha noqotee, booqashooyinka umulisooyinka iyo baarista ee muhiimka ah, sida caadiga ah ayaa loo qabanayaa, hooyada oo keliya, iyadoo la ilaalinayo fiditaanka cudurkan.

Cisbitaalada waxay gacanta ku hayaan dhalmada sida caadiga ah, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in qofku uusan ka walwalayn in loo ogolaado inuu soo galo oo uu dhalo. Dabcan taas waa la heli

Støt Mino Danmarks arbejde.


Laga soo bilaabo Statens Serum Institut, Arbacada 18-ka Maarso

U yeer dhammaan muwaadiniinta.

Statens Serum Institut waxay ku dhiiri gelinayaan dhammaan muwaadiniinta inay iska diiwaan geliyaan qiyaasaha hargabka (influmeter), dagaalka lagu taxadarayo Coronavirus.
Cilmiga qiyaasaha hargabka wuxuu ku saleysan yahay dadaalladaada iskaa-waxuqabsada maadamaad tahay muwadin, iyadoo aan la eegin inaad raadsatey daryeel caafimaad ama aad heshay daaweyn, waxaad usbuuc walba soo sheegaysaa inaad calaamadaha cudurkaan qabtid iyo in kale. Markaad sidaa sameysid, waxaad gacan ka geysaneysaa aqoonta ku saabsan faafinta bulshada.

Dhammaan dadka ku nool Danmark way ku biiri karaan qiyaasaha hargabka – carruurta, dhalinyarada, waayeelka, caafimaadka iyo bukaanka. Waad iska qori kartaa naftaada ama xubnaha qoyskaaga. Xitaa haddii adiga ama kuwa kale aad horey u bukoodeen ama aad u xanuunsateen. Kaqeybgalayaashu waxay wax ku darsadaan macluumaad isku mid ah oo waxtar leh, dhamaan bukaanka, kuwa jiranaa iyo kuwa jirani kara. Markaa ha ka baqan xitaa haddii aadan u malayn inaad jiran tahay ama aad hore u xanuunsanaysay
.
Waaxda la-dagaallanka ee cudurrada faafa, Statens Serum Institut, waxay kormeertaa kana hortagtaa cudurrada faafa ee Denmark, waxayna ka shaqeysaa qiyaasaha hargabka (influmeter), taasoo qayb ka ah kormeerka guud ee cudurrada la xiriira hargabka, hargabka iyo astaamaha COVID-19.
Tag qiyaasaha hargabka (influmeter): www.influmeter.dk

Støt Mino Danmarks arbejde.


Daqiiqado shir-jaraa’id oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah Maarso 17, 2020

Kaqeybgaleyaasha: Raiisel wasaare Mette Frederiksen, wasiirka caafimaadka Magnus Heunicke, agaasimaha gudiga caafimaadka Søren Brostrøm, mid kamid ah wasaarada arimaha dibada & taliyaha booliska qaranka Torkild Fogde.

Raiisel wasaaraha ayaa bilaabaya iyadoo carrabka ku adkeynaysa halista: 82 ayaa hada isbitaal la dhigey, 18 ka mid ah waxa yaalaan qyebta daryeelka degdega ah, kuwaa oo ku dhowaad labalaabmay maalin. Sidaa darteed waa muhiim in aan jebinno silsiladda cudurka faafinaya. Sidaa darteed waxqabadyo cusub ayaa la soo bandhigayaa, bilaabmeya berri, 18/3 saacadu markey tahay 10ka ilaa iyo 30 Maarso:

– Lama ogolaan doono in la abaabulo oo la isu yimaado in ka badan 10 qof, gudaha iyo banaankaba, dhacdooyin dadweynaha ah. Goryaha macaal maaha in aad isoogu timaadiin in kabadan 10 qof.

– Dukaamada waxay leeyihiin shuruudo adag: waa inuu jiraa meel ku filan dadka dhexdooda, masaafad wanaagsan, macaamiisha waa iney awoodaan inay farahooda dhaqaan – taasna waxay quseysaa gudaha iyo dibeddaba.

– Dhamaan cayaaraha gudaha iyo xarumaha isboortiga waa iney xiraan, tusaale ahaan xarumaha jimicsiga, saloollada dharka lagu qurxiyo, meelaha dadk ay qoraxda ku qaataan, meelaha dadka laga duugo, sawir-qaadayaasha: guud ahaan shirkadaha xiriirka dhow la leh. Ma khusayso haddii ay tahay daryeel caafimaad.

– Goobaha lagu caweeyo, kafateeriyada shiishadaha, baararka, iwm. waa in la xiro.

– Dhamaan suuqyada waaweyn, meelaha daboolan waa inay xiraan – marka laga reebo dukaamada raashinka ee xarumaha.

– Dhamaan maqaayadaha, kafateeriyada, iwm. waa in la xiro – laakiin take away wali waa caadi.

– Deenishka oo dhan oo ka imanaya dalka dibaddaha waa inay ka baxaan liiska deenishka, haddii ay ku qoran yihiin diiwaangelintaas, waxana haboon in ay galaan karantiil 14 cisho.

Intaa waxaa sii dheer oo ay isku raaceen Heunicke, Brorstrøm iyo Fogde in ay adkeeyaan halista xaaladda. Oo ay hadda tahay in aan ku dhaqaaqno haddii aan yareyno cawaaqibka. Cidna kama tanaasuli karto masuuliyadiisa inuu raaco talooyinka Wasaaradda Caafimaadka, Raiisul
Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay, gaar ahaan tixraaca dhalinyarada.
Mabda ‘ahaan, ra’iisul wasaaruhu waxay soojeedisey haddii aad ka shakisan tahay wax caafimaad la xiriira, sida inaad asxaabta qaar aad casho la yeelatid, waa inaad iska deysaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markale u mahadceliyay cid kasta oo qeyb ka ah bulshada oo diyaar u ah.

Intaa waxaa sii dheer, ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhawaaqay xirmooyin cusub oo gargaar ah, oo loogu talagalay shaqaalaha, kuwa iskaa u shaqeysanaya iyo shirkadaha, in laga wada xaajoodo sida ugu horreysa berri oo dhex marri doonto xisbiyada baarlamaanka.

Booliisku waxay u joogi doonaan wax ka badan sidii caadiga ahayd si ay ugala taliyaan una hagaan muwaadiniinta.
Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ku qiyaastay in qaar ka mid ah deenishka ay wadamada dibeddaha ku xayirnaan doonaan; laakiin wuxuu ugu baaqayaa inay helaan meel ku habboon xayirnaantaas. Denmark baa sida ugu dhakhso badan ku soo celin doonta wadankan iyo guryahooda.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Daqiiqado shir-jaraa’id oo ka dhacay Wisaarada Dowlada, 13ka Maarso, saacada 19:00.

Kaqeybgaleyaasha: Raiisel wisaaraha Mette Frederiksen, Wasiirka Arimaha Dibadda Jeppe Kofoed, Wasiirka Cadaalada Nick Hekkerup iyo Taliyaha Booliska Qaranka Torkild Fogde.


Ugu horreyn, dawladdu waxay siisay xaalada ku saabsan fayruska corona ee Denmark: 802 ayaa cudurka qaba, 23 ayaa isbitaallada la dhigey, 2 oo xaaladdoodu aad u liidato. Marka kadib, waxay Mette Frederiksen soo bandhigtay talaabooyinka ugu dambeeyay ee looga hortagayo faafitaanka corona ee Denmark.

Tan koowaad, waa in isbitaallada ay hadda joojiyaan waxa loogu yeero daaweynta aan loo baahnayn; sida tusaale ahaan, qalitaanada ama baaritaanada aan noolaashanshada muhiimka u aheyn in dib loo dhigo.

Ta labaad, wisaaradda arrimaha dibedda waxay talo ahaan sheegeen in ay ka soo horjeedaan dhammaan safarrada aan loo baahnayn ee loo aado wadamada dibadaha, waxayna idin kula talinayaan dhammaan deenishka dibedda ku nool inay guryahooda yimaadaan; markaas, ha ka bixin Denmark haddii laga hadaa kartid, iyo haddii aad safreyso, sida ugu dhakhsada badan soo laabo.

Midda saddexaad – iyo illaa iyo hadda – waa in laga bilaabo berri, Sabtida 14ka bisha, saacaddu markay tahay 12ka, baa la xirayaa xuduudaha wadanka illaa iyo Abriil 14keeda. Markaa suurtagal ma ahaan doonto, in ajinebigu soo galaan Denmark; diyaarad, maraakiib, tareeno, basas iyo baabuuro, mooyaan haddii ay leeyihiin ujeedo la aqoonsan yahay; Tan micnaheedu waxaa weeye, tusaale ahaan, inay ku nool yihiin ama ka shaqeeyaan ama booqdaan xubnaha qoyska ee xanuunsanaya ama ay xaq u leeyihiin inay la joogaan carruurta ku nool Danmark. Xuduudaha waxa fulin doona booliis iyagoo kaashanaya difaaca dawlada. Si kastaba ha noqotee, dowladdu waxay ku nuuxnuuxsatay in badeecada, gaar ahaan cuntada, ay sii wadi doonto inay ka gudubto xadka iyada oo aan wax carqalad ah la sameynin sidaa darteedna aysan jiri doonin cunto yaraanshi. Intaas waxa sii dheer, muwaadiniinta deenishka ayaa dabcan markasta u safri kara oo soo geli kara Denmark.

Støt Mino Danmarks arbejde.


Samarbejdspartnere til Mino Danmarks indsats med oversættelse af myndighedernes udmeldinger om covid-19 i Danmark:

Vær med til at sikre
et ligeværdigt Danmark
– for alle!

Sammen styrker vi minoritetsetniske danskeres
muligheder, stemmer og samfundsdeltagelse



Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.

Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.