fbpx

Daqiiqado shir-jaraa’id oo ka dhacay Wisaarada Dowlada, 13ka Maarso, saacada 19:00.

https://mino.dk/covid19/soomaali/#daqiiqado-shir-jaraaid-oo-ka-dhacay-wisaarada-dowlada-13ka-maarso-saacada-1900

Daqiiqado shir-jaraa’id oo ka dhacay Wisaarada Dowlada, 13ka Maarso, saacada 19:00.

Daqiiqado shir-jaraa’id oo ka dhacay Wisaarada Dowlada, 13ka Maarso, saacada 19:00.

13/03/2020 / /

Kaqeybgaleyaasha: Raiisel wisaaraha Mette Frederiksen, Wasiirka Arimaha Dibadda Jeppe Kofoed, Wasiirka Cadaalada Nick Hekkerup iyo Taliyaha Booliska Qaranka Torkild Fogde.


Ugu horreyn, dawladdu waxay siisay xaalada ku saabsan fayruska corona ee Denmark: 802 ayaa cudurka qaba, 23 ayaa isbitaallada la dhigey, 2 oo xaaladdoodu aad u liidato. Marka kadib, waxay Mette Frederiksen soo bandhigtay talaabooyinka ugu dambeeyay ee looga hortagayo faafitaanka corona ee Denmark.

Tan koowaad, waa in isbitaallada ay hadda joojiyaan waxa loogu yeero daaweynta aan loo baahnayn; sida tusaale ahaan, qalitaanada ama baaritaanada aan noolaashanshada muhiimka u aheyn in dib loo dhigo.

Ta labaad, wisaaradda arrimaha dibedda waxay talo ahaan sheegeen in ay ka soo horjeedaan dhammaan safarrada aan loo baahnayn ee loo aado wadamada dibadaha, waxayna idin kula talinayaan dhammaan deenishka dibedda ku nool inay guryahooda yimaadaan; markaas, ha ka bixin Denmark haddii laga hadaa kartid, iyo haddii aad safreyso, sida ugu dhakhsada badan soo laabo.

Midda saddexaad – iyo illaa iyo hadda – waa in laga bilaabo berri, Sabtida 14ka bisha, saacaddu markay tahay 12ka, baa la xirayaa xuduudaha wadanka illaa iyo Abriil 14keeda. Markaa suurtagal ma ahaan doonto, in ajinebigu soo galaan Denmark; diyaarad, maraakiib, tareeno, basas iyo baabuuro, mooyaan haddii ay leeyihiin ujeedo la aqoonsan yahay; Tan micnaheedu waxaa weeye, tusaale ahaan, inay ku nool yihiin ama ka shaqeeyaan ama booqdaan xubnaha qoyska ee xanuunsanaya ama ay xaq u leeyihiin inay la joogaan carruurta ku nool Danmark. Xuduudaha waxa fulin doona booliis iyagoo kaashanaya difaaca dawlada. Si kastaba ha noqotee, dowladdu waxay ku nuuxnuuxsatay in badeecada, gaar ahaan cuntada, ay sii wadi doonto inay ka gudubto xadka iyada oo aan wax carqalad ah la sameynin sidaa darteedna aysan jiri doonin cunto yaraanshi. Intaas waxa sii dheer, muwaadiniinta deenishka ayaa dabcan markasta u safri kara oo soo geli kara Denmark.

Relaterede nyheder

Smitte|stop-app

10/07/2020
Smitte|top waa app nagu caawinaya dhammaanteen inaan joojino faafitaanka COVID-19 ee Denmark. App-ka wuxuu suurtagal kaaga dhigayaa inaad ogeysiiso halista […] Læs mere… Læs mere…

Macluumaad cusub oo ku saabsan tilmaamaha safarka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee ku saabsan COVID-19

08/07/2020
Waxa furan in loo safri karo dalal badan oo EU/Schengen iyo UK kamid ah, halkaasoo Machadka Dowladda ee Serum ku […] Læs mere… Læs mere…

Dib u furitaanka Denmark hadda waa marxaladda 3aad

08/06/2020
Laga bilaabo Isniinta, 8da Juun, 2020, qaybo badan oo Denmark kamid ah ayaa dib loo furi doonaa. Waxa laga hadlayaa: […] Læs mere… Læs mere…

Xuduudaha qayb ahaan waa la furay, laakiin safarka caalamiga ah wali taladu waa ha safrin

29/05/2020
Soo koobid ku saabsan shika-jaraa’ideed ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Jimcaha,bisha Maayo, maalinta 29 ee 2020 Dhammaan safarrada dibedda talado waa […] Læs mere… Læs mere…

Hadda waad balansan kartaa baarinta corona – xitaa haddii aadan lahayn astaamaha

19/05/2020
Looma baahna hadda in laguu helo gudbinta dhakhtarkaaga si aad u hesho waqti loogu talagalay baaritaanka cudurka corona. Laga bilaabo […] Læs mere… Læs mere…

Dawladdu waxay soo bandhigtey istiraatiijiyad cusub oo ku saabsan baarista iyo soo ogaanshaha caabuqa faafa

13/05/2020
Daqiiqadaha shir-jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada, 12ka Maajo, 2020 Denmark ayaa wakhtiyadan ugu danbeysay kor u qaadey baarista COVID-19, waxayna hadda […] Læs mere… Læs mere…

Marxaladda 2aad ee dib u furista ayaa hadda bilaabatay

07/05/2020
Soo koobid shir jaraaid ee 7dii Maajo oo ka socota raiisel wasaaraha Mette Frederiksen Deenishku waxay u hogaansameen tilmaamaha maamulka […] Læs mere… Læs mere…

Guddida Caafimaadka ayaa beddelay macnaha “kooxaha khatarta ku jira”

06/05/2020
Markii la sameeyay qeexitaan aad u ballaaran oo ku saabsan kooxaha khatarta ku jira ee cudurka COVID-19, Gudidda Caafimaadka ayaa […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Macluumaad kooban ee shirka jaraaid ee xafiiska Raiisel wasaaraha 30ka bisha Maarso 2020

30/03/2020
Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay sheegtey in dadaalada Denmark ay shaqeynayaan. Waxay tilmaamtay in horumarku si sax ah u socdo. Waxay […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Dhiirigelin ka socota Golaha Caafimaadka: Ka ilaali naftaada iyo dadka kale cudurka coronavirus

28/03/2020
Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato waxyaabaha ku saabsan corona: Waxaan hadda ku dhex jirnaa cudur faafid. Sidaa darteed, […] Læs mere… Læs mere…

Vær med til at sikre
et ligeværdigt Danmark
– for alle!

Sammen styrker vi minoritetsetniske danskeres
muligheder, stemmer og samfundsdeltagelse



Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.

Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.