fbpx

Daqiiqado shir-jaraa’id oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah Maarso 17, 2020

https://mino.dk/covid19/soomaali/#daqiiqado-shir-jaraaid-oo-xafiiska-raiisul-wasaaraha-ah-maarso-17-2020

Daqiiqado shir-jaraa’id oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah Maarso 17, 2020

Daqiiqado shir-jaraa’id oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah Maarso 17, 2020

17/03/2020 / /

Kaqeybgaleyaasha: Raiisel wasaare Mette Frederiksen, wasiirka caafimaadka Magnus Heunicke, agaasimaha gudiga caafimaadka Søren Brostrøm, mid kamid ah wasaarada arimaha dibada & taliyaha booliska qaranka Torkild Fogde.

Raiisel wasaaraha ayaa bilaabaya iyadoo carrabka ku adkeynaysa halista: 82 ayaa hada isbitaal la dhigey, 18 ka mid ah waxa yaalaan qyebta daryeelka degdega ah, kuwaa oo ku dhowaad labalaabmay maalin. Sidaa darteed waa muhiim in aan jebinno silsiladda cudurka faafinaya. Sidaa darteed waxqabadyo cusub ayaa la soo bandhigayaa, bilaabmeya berri, 18/3 saacadu markey tahay 10ka ilaa iyo 30 Maarso:

– Lama ogolaan doono in la abaabulo oo la isu yimaado in ka badan 10 qof, gudaha iyo banaankaba, dhacdooyin dadweynaha ah. Goryaha macaal maaha in aad isoogu timaadiin in kabadan 10 qof.

– Dukaamada waxay leeyihiin shuruudo adag: waa inuu jiraa meel ku filan dadka dhexdooda, masaafad wanaagsan, macaamiisha waa iney awoodaan inay farahooda dhaqaan – taasna waxay quseysaa gudaha iyo dibeddaba.

– Dhamaan cayaaraha gudaha iyo xarumaha isboortiga waa iney xiraan, tusaale ahaan xarumaha jimicsiga, saloollada dharka lagu qurxiyo, meelaha dadk ay qoraxda ku qaataan, meelaha dadka laga duugo, sawir-qaadayaasha: guud ahaan shirkadaha xiriirka dhow la leh. Ma khusayso haddii ay tahay daryeel caafimaad.

– Goobaha lagu caweeyo, kafateeriyada shiishadaha, baararka, iwm. waa in la xiro.

– Dhamaan suuqyada waaweyn, meelaha daboolan waa inay xiraan – marka laga reebo dukaamada raashinka ee xarumaha.

– Dhamaan maqaayadaha, kafateeriyada, iwm. waa in la xiro – laakiin take away wali waa caadi.

– Deenishka oo dhan oo ka imanaya dalka dibaddaha waa inay ka baxaan liiska deenishka, haddii ay ku qoran yihiin diiwaangelintaas, waxana haboon in ay galaan karantiil 14 cisho.

Intaa waxaa sii dheer oo ay isku raaceen Heunicke, Brorstrøm iyo Fogde in ay adkeeyaan halista xaaladda. Oo ay hadda tahay in aan ku dhaqaaqno haddii aan yareyno cawaaqibka. Cidna kama tanaasuli karto masuuliyadiisa inuu raaco talooyinka Wasaaradda Caafimaadka, Raiisul
Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay, gaar ahaan tixraaca dhalinyarada.
Mabda ‘ahaan, ra’iisul wasaaruhu waxay soojeedisey haddii aad ka shakisan tahay wax caafimaad la xiriira, sida inaad asxaabta qaar aad casho la yeelatid, waa inaad iska deysaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markale u mahadceliyay cid kasta oo qeyb ka ah bulshada oo diyaar u ah.

Intaa waxaa sii dheer, ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhawaaqay xirmooyin cusub oo gargaar ah, oo loogu talagalay shaqaalaha, kuwa iskaa u shaqeysanaya iyo shirkadaha, in laga wada xaajoodo sida ugu horreysa berri oo dhex marri doonto xisbiyada baarlamaanka.

Booliisku waxay u joogi doonaan wax ka badan sidii caadiga ahayd si ay ugala taliyaan una hagaan muwaadiniinta.
Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ku qiyaastay in qaar ka mid ah deenishka ay wadamada dibeddaha ku xayirnaan doonaan; laakiin wuxuu ugu baaqayaa inay helaan meel ku habboon xayirnaantaas. Denmark baa sida ugu dhakhso badan ku soo celin doonta wadankan iyo guryahooda.

Relaterede nyheder

Smitte|stop-app

10/07/2020
Smitte|top waa app nagu caawinaya dhammaanteen inaan joojino faafitaanka COVID-19 ee Denmark. App-ka wuxuu suurtagal kaaga dhigayaa inaad ogeysiiso halista […] Læs mere… Læs mere…

Macluumaad cusub oo ku saabsan tilmaamaha safarka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee ku saabsan COVID-19

08/07/2020
Waxa furan in loo safri karo dalal badan oo EU/Schengen iyo UK kamid ah, halkaasoo Machadka Dowladda ee Serum ku […] Læs mere… Læs mere…

Dib u furitaanka Denmark hadda waa marxaladda 3aad

08/06/2020
Laga bilaabo Isniinta, 8da Juun, 2020, qaybo badan oo Denmark kamid ah ayaa dib loo furi doonaa. Waxa laga hadlayaa: […] Læs mere… Læs mere…

Xuduudaha qayb ahaan waa la furay, laakiin safarka caalamiga ah wali taladu waa ha safrin

29/05/2020
Soo koobid ku saabsan shika-jaraa’ideed ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Jimcaha,bisha Maayo, maalinta 29 ee 2020 Dhammaan safarrada dibedda talado waa […] Læs mere… Læs mere…

Hadda waad balansan kartaa baarinta corona – xitaa haddii aadan lahayn astaamaha

19/05/2020
Looma baahna hadda in laguu helo gudbinta dhakhtarkaaga si aad u hesho waqti loogu talagalay baaritaanka cudurka corona. Laga bilaabo […] Læs mere… Læs mere…

Dawladdu waxay soo bandhigtey istiraatiijiyad cusub oo ku saabsan baarista iyo soo ogaanshaha caabuqa faafa

13/05/2020
Daqiiqadaha shir-jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada, 12ka Maajo, 2020 Denmark ayaa wakhtiyadan ugu danbeysay kor u qaadey baarista COVID-19, waxayna hadda […] Læs mere… Læs mere…

Marxaladda 2aad ee dib u furista ayaa hadda bilaabatay

07/05/2020
Soo koobid shir jaraaid ee 7dii Maajo oo ka socota raiisel wasaaraha Mette Frederiksen Deenishku waxay u hogaansameen tilmaamaha maamulka […] Læs mere… Læs mere…

Guddida Caafimaadka ayaa beddelay macnaha “kooxaha khatarta ku jira”

06/05/2020
Markii la sameeyay qeexitaan aad u ballaaran oo ku saabsan kooxaha khatarta ku jira ee cudurka COVID-19, Gudidda Caafimaadka ayaa […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Macluumaad kooban ee shirka jaraaid ee xafiiska Raiisel wasaaraha 30ka bisha Maarso 2020

30/03/2020
Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay sheegtey in dadaalada Denmark ay shaqeynayaan. Waxay tilmaamtay in horumarku si sax ah u socdo. Waxay […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Dhiirigelin ka socota Golaha Caafimaadka: Ka ilaali naftaada iyo dadka kale cudurka coronavirus

28/03/2020
Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato waxyaabaha ku saabsan corona: Waxaan hadda ku dhex jirnaa cudur faafid. Sidaa darteed, […] Læs mere… Læs mere…

Vær med til at sikre
et ligeværdigt Danmark
– for alle!

Sammen styrker vi minoritetsetniske danskeres
muligheder, stemmer og samfundsdeltagelse



Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.

Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.