fbpx

Dowladdu waxay dheereysay xiritaanku oo sii soconaya ilaa iyo Abriil 13keeda, 2020.

https://mino.dk/covid19/soomaali/#dowladdu-waxay-dheereysay-xiritaanku-oo-sii-soconaya-ilaa-iyo-abriil-13keeda-2020

Dowladdu waxay dheereysay xiritaanku oo sii soconaya ilaa iyo Abriil 13keeda, 2020.

Dowladdu waxay dheereysay xiritaanku oo sii soconaya ilaa iyo Abriil 13keeda, 2020.

23/03/2020 / /

Shirka jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada waxay dhacdey 23.03.2020 saacadu markay tahay 15.00

Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay kordhisay dadaallada corona iyo dhammaan waxqabadka arrintan ilaa iyo 13ka Abril 2020.

254 baa isbitaalka la dhigay oo haysta coronavirus, 55 waxay ku jiraan qaybta daryeelka degdegga ah, 24 qofna way dhinteen.

Dowladdu waxay u hoggaansantahay dhammaan dadaallada ay qaadeen. Hawsha ugu weyn waa in laga hortago in dad badani innu<u7 ay si daran u bukoodaan. Sidaa darteed, dowladdu waxay dheereeyeen xiritaanka illaa iyo 13ka Abril, 2020.

Raisalwasaaraha Mette Frederiksen ayaa ku nuuxnuuxsatay inay muhiim tahay in dhammaanteen aan u hoggaansanno tilmaamaha oo aanu dib u dhigno safaradeena, inkasta oo ay adag tahay maalinta Ciidda Masiixiga (Påske). Dhiirrigelinta ayaa ah inaadan safrin, xitaa haddii ay Denmark dhexdeeda tahay.

Qoysaska halista ugu jira waxay u baahan yihiin daryeel deg-deg ah, maadaama ay jiraan awood fiican oo lagu daryeelo carruurta iyo dhalinyarada. Boosaas baa hostelyada loo sameeyey oo loogu talagaley dadka hoy la’aanta ah si ay u haystaan meel ay joogaan ama ku jiraan haddii ay bukoodaan.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in howlo badan loo qabtay sidii loo ballaarin lahaa loona horumarin lahaa awoodda daweynta. Kuuriyada Koonfureed ayaa lala xiriiray iyaga oo codsaday codsi ah in ay aqbalaan soo iibsiga qalabka la iskaga cabiri karo cudurka.

Gabagabadii, Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay inay jeclaan doonaan inay aqbalaan dhammaan deeqaha la bixiyo. Hadaad rabto inaad caawiso fadlan booqo coronasmitte.dk. Halkaas waxaad ka heli doontaa xiriiriye ‘Denmark ka caawiya Denmark’ halkaas oo aad u tegi karto, kana heli karto qiimeyn fudud oo deg deg ah oo ku saabsan deeqdaada.

Relaterede nyheder

Smitte|stop-app

10/07/2020
Smitte|top waa app nagu caawinaya dhammaanteen inaan joojino faafitaanka COVID-19 ee Denmark. App-ka wuxuu suurtagal kaaga dhigayaa inaad ogeysiiso halista […] Læs mere… Læs mere…

Macluumaad cusub oo ku saabsan tilmaamaha safarka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee ku saabsan COVID-19

08/07/2020
Waxa furan in loo safri karo dalal badan oo EU/Schengen iyo UK kamid ah, halkaasoo Machadka Dowladda ee Serum ku […] Læs mere… Læs mere…

Dib u furitaanka Denmark hadda waa marxaladda 3aad

08/06/2020
Laga bilaabo Isniinta, 8da Juun, 2020, qaybo badan oo Denmark kamid ah ayaa dib loo furi doonaa. Waxa laga hadlayaa: […] Læs mere… Læs mere…

Xuduudaha qayb ahaan waa la furay, laakiin safarka caalamiga ah wali taladu waa ha safrin

29/05/2020
Soo koobid ku saabsan shika-jaraa’ideed ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Jimcaha,bisha Maayo, maalinta 29 ee 2020 Dhammaan safarrada dibedda talado waa […] Læs mere… Læs mere…

Hadda waad balansan kartaa baarinta corona – xitaa haddii aadan lahayn astaamaha

19/05/2020
Looma baahna hadda in laguu helo gudbinta dhakhtarkaaga si aad u hesho waqti loogu talagalay baaritaanka cudurka corona. Laga bilaabo […] Læs mere… Læs mere…

Dawladdu waxay soo bandhigtey istiraatiijiyad cusub oo ku saabsan baarista iyo soo ogaanshaha caabuqa faafa

13/05/2020
Daqiiqadaha shir-jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada, 12ka Maajo, 2020 Denmark ayaa wakhtiyadan ugu danbeysay kor u qaadey baarista COVID-19, waxayna hadda […] Læs mere… Læs mere…

Marxaladda 2aad ee dib u furista ayaa hadda bilaabatay

07/05/2020
Soo koobid shir jaraaid ee 7dii Maajo oo ka socota raiisel wasaaraha Mette Frederiksen Deenishku waxay u hogaansameen tilmaamaha maamulka […] Læs mere… Læs mere…

Guddida Caafimaadka ayaa beddelay macnaha “kooxaha khatarta ku jira”

06/05/2020
Markii la sameeyay qeexitaan aad u ballaaran oo ku saabsan kooxaha khatarta ku jira ee cudurka COVID-19, Gudidda Caafimaadka ayaa […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Macluumaad kooban ee shirka jaraaid ee xafiiska Raiisel wasaaraha 30ka bisha Maarso 2020

30/03/2020
Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay sheegtey in dadaalada Denmark ay shaqeynayaan. Waxay tilmaamtay in horumarku si sax ah u socdo. Waxay […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Dhiirigelin ka socota Golaha Caafimaadka: Ka ilaali naftaada iyo dadka kale cudurka coronavirus

28/03/2020
Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato waxyaabaha ku saabsan corona: Waxaan hadda ku dhex jirnaa cudur faafid. Sidaa darteed, […] Læs mere… Læs mere…

Vær med til at sikre
et ligeværdigt Danmark
– for alle!

Sammen styrker vi minoritetsetniske danskeres
muligheder, stemmer og samfundsdeltagelse



Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.

Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.