fbpx

Guddida Caafimaadka ayaa beddelay macnaha “kooxaha khatarta ku jira”

https://mino.dk/covid19/soomaali/#guddida-caafimaadka-ayaa-beddelay-macnaha-kooxaha-khatarta-ku-jira

Guddida Caafimaadka ayaa beddelay macnaha “kooxaha khatarta ku jira”

Guddida Caafimaadka ayaa beddelay macnaha “kooxaha khatarta ku jira”

06/05/2020 / /

Markii la sameeyay qeexitaan aad u ballaaran oo ku saabsan kooxaha khatarta ku jira ee cudurka COVID-19, Gudidda Caafimaadka ayaa hadda caddeysay kooxdee baa ka mid ah kooxda khatarta ku jira haduu uu caabuqa coronavirus ko dhaco. Waxaa hadda jira 7 kooxood oo khatar ku jira: 1. Dadka da’da weyn – waxay ku xirantahay xaalada guud ee caafimaadka Khibradeenu waxay na tustey in caabuqu khatar u yahay dadka ka weyn 70, waliba gaar ahaan dadka ka weyn 80 sano, oo ah markaas dadka khatar ugu jira xanuun daran. Dadka 65 jirka ah iyo kuwa ka yarba waxay si gaar ah khatar ugu jiraan haddii ay qabaan hal ama dhowr cudur oo raaga. Markaa, dadka da’da ka weyn 65 sano looma tirinayo inay si toos ah halis ugu jiraan, haddii ay caafimaad qabaan, jir ahaana ay firfircoonyihiin. Waxay sidoo kale ka dhigantahay in ayeeyooyinka iyo awoowooyinka, hadey caafimaad qabaan oo inay arki karaan oo hab siin karaan ciyaalka caafimaadka qaba ay ayeeyda iyo awoowga u yihiin.. 2. Dad degen xanaanada dadka waaweyn Dadka degen guryaha lagu xanaaneeyo waxay u badanyihiin dad waayeel ah, waxay leeyihiin cudurada raaga iyo tabar daro. Waxay dhammaan intani kor u kicineysa khatarta ay ku jiraan. 3. Dadka miisaanka culus Miisaanka culus ayaa badanaa lagu arkaa xaalada guud ee cudurada raaga sida sokorta ama cudurada wadnaha. Gaar ahaan dadka qaba BMI ka sareysa 35, ama BMI ka weyn 30 oo haystana cudur raaga, waxay halis ugu jiraan jiro daran hadey qaadaan COVID-19. 4. Dadka qaba cudurada raaga Maaha in dhamaan dadka qaba cudurada raaga inay ku jiraan dadka khatarta ku jira, gaar ahaan haddii si haboon loo daweeyo. Halkan waxaad ka heli kartaa liiska cudurrada keena xanuun daran hadaa laa qaado COVID-19: https://www.sst.dk/da/Udgivelser/2020/Personer-med-oeget-risiko-ved-COVID-19 5. Caruurta qaba cudurada raaga Caruurta qaarkood ee qaba cudurada raaga, waxa dhici karta in ay khatar dheeraad ah ugu jiraan COVID-19. Kuwaasi waxay noqon karaan caruur horey u lahaan jiray – macaal cudurkan faafey ka hor – caawimaad dheeraad ah dhinacaa skoolka ama daryeelka. Caruurtan iyo qoysaskooduba waxay heli doonaan la talin shaqsiyeed ah, meelaha loogu talagay

6. Dadka aan lahayn deganaansho rasmi ah Dadka aan lahayn deganaansha joogta ah, badanaa waxay fursad u laheyn inay ilaaliyaan nadaafad wanaagsan ama ka fogaadaan dadka kale. Tani waxay keenaysaa in kor u kacayo faafinta caabuqa. Intaa waxa u dheer, dad badan oo aan lahayn guri joogto ah in ay sidoo kale haystaan cudurada raaga. Labadaa marka la isku daro, waxay ka mid yihiin dadka nugul cudurku xanuun daran u keeni karo.

7. Xaamiloyiinka Tani wali waxay ku saleysantahay mabda digtooni ah, maadaama dumarka uurka leh guud ahaan ay u nugulyihiin cudurada caabuqa ah. Lama tusin in haweenka uurka leh ama ilmaha aan dhalan ay khatar ugu jiraan cudur marka dad weynaha kale la isu barbar dhigo. Si kastaba ha ahaatee, xaamilooyinka isbitaalka la dhiigay COVID-19 awgeed, marka seddexda bilood ee ugu danbeysa uurka la gaaro, waxa lagu qalayaa cunuga intena la gaarin maalinta loo qabtey foosha. Intaa waxaa sii dheer, khatarta lagu yaqaano hooyada iyo ilmaha.

Relaterede nyheder

Smitte|stop-app

10/07/2020
Smitte|top waa app nagu caawinaya dhammaanteen inaan joojino faafitaanka COVID-19 ee Denmark. App-ka wuxuu suurtagal kaaga dhigayaa inaad ogeysiiso halista […] Læs mere… Læs mere…

Macluumaad cusub oo ku saabsan tilmaamaha safarka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee ku saabsan COVID-19

08/07/2020
Waxa furan in loo safri karo dalal badan oo EU/Schengen iyo UK kamid ah, halkaasoo Machadka Dowladda ee Serum ku […] Læs mere… Læs mere…

Dib u furitaanka Denmark hadda waa marxaladda 3aad

08/06/2020
Laga bilaabo Isniinta, 8da Juun, 2020, qaybo badan oo Denmark kamid ah ayaa dib loo furi doonaa. Waxa laga hadlayaa: […] Læs mere… Læs mere…

Xuduudaha qayb ahaan waa la furay, laakiin safarka caalamiga ah wali taladu waa ha safrin

29/05/2020
Soo koobid ku saabsan shika-jaraa’ideed ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Jimcaha,bisha Maayo, maalinta 29 ee 2020 Dhammaan safarrada dibedda talado waa […] Læs mere… Læs mere…

Hadda waad balansan kartaa baarinta corona – xitaa haddii aadan lahayn astaamaha

19/05/2020
Looma baahna hadda in laguu helo gudbinta dhakhtarkaaga si aad u hesho waqti loogu talagalay baaritaanka cudurka corona. Laga bilaabo […] Læs mere… Læs mere…

Dawladdu waxay soo bandhigtey istiraatiijiyad cusub oo ku saabsan baarista iyo soo ogaanshaha caabuqa faafa

13/05/2020
Daqiiqadaha shir-jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada, 12ka Maajo, 2020 Denmark ayaa wakhtiyadan ugu danbeysay kor u qaadey baarista COVID-19, waxayna hadda […] Læs mere… Læs mere…

Marxaladda 2aad ee dib u furista ayaa hadda bilaabatay

07/05/2020
Soo koobid shir jaraaid ee 7dii Maajo oo ka socota raiisel wasaaraha Mette Frederiksen Deenishku waxay u hogaansameen tilmaamaha maamulka […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Macluumaad kooban ee shirka jaraaid ee xafiiska Raiisel wasaaraha 30ka bisha Maarso 2020

30/03/2020
Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay sheegtey in dadaalada Denmark ay shaqeynayaan. Waxay tilmaamtay in horumarku si sax ah u socdo. Waxay […] Læs mere… Læs mere…

Cinwaanka: Dhiirigelin ka socota Golaha Caafimaadka: Ka ilaali naftaada iyo dadka kale cudurka coronavirus

28/03/2020
Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato waxyaabaha ku saabsan corona: Waxaan hadda ku dhex jirnaa cudur faafid. Sidaa darteed, […] Læs mere… Læs mere…

Dowladdu waxay dheereysay xiritaanku oo sii soconaya ilaa iyo Abriil 13keeda, 2020.

23/03/2020
Shirka jaraa’id ee Wasaaradda Dowlada waxay dhacdey 23.03.2020 saacadu markay tahay 15.00 Raisalwasaaraha Mette Frederiksen waxay kordhisay dadaallada corona iyo […] Læs mere… Læs mere…

Vær med til at sikre
et ligeværdigt Danmark
– for alle!

Sammen styrker vi minoritetsetniske danskeres
muligheder, stemmer og samfundsdeltagelse



Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.

Hvert eneste medlemskab og donation styrker Mino Danmarks legitimitet og eksistensberettigelse.

Det gør en forskel og styrker foreningens muligheder for at lykkes med at skabe et lige samfund, uanset etnisk baggrund.