Wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ogaato si aad u codayso

1. Maxaynu u codaynaynaa?

15 wakiil oo Baarlamaanka Yurub ah oo Danish ah ayaa loo baahan yahay in la doorto, oo dadkani waxay qayb ka yihiin go’aaminta siyaasada EU iyo dalalka xubnaha ka ah. Doorashada waxaa la qabtaa 5 sano kasta.

2. Yaa codayn kara?

Waad codayn karta hadii aad haysato dhalashada Danish-ka oo aad tahay 18 ama ka wayn iyo hadii aad degan tahay Denmark.

Macluumaad gaar ah: Hadii aad haysato dhalashada Danish-ka oo aad degan tahay meel dalka ka baxsan oo aad doonayso inaad ka codayso Denmark gudaheeda, waa inaad dalbato in lagugu daro liiska codaynta. Waxaa lamid ah hadii aad haysato dhalashada dal EU ah oo aad deganaansho rasmi ka haysato Denmark oo aad doonayso inaad ka codayso Denmark. Faahfaahinta wakhtiga ay ku eeg tahay dalbashadu waxaa lagu qoray 6 Maay, laakiin waxa aad weli ku dhax codayn kartaa dalka aad degan tahay ama aad u dhalatay.

3. Goorma ayaad codayn kartaa?

Waxa aad codayn kastaa inta u dhaxaysa 9:00 – 20:00 maalinta doorashada ee Axada 9 Juun. Hadii aanad codayn karin taariikhdan, waxa aad codayn kastaa 28 Abriil ilaa 6 Juun.

4. Yaa loo codayn karaa?

Waxa aad u codayn kastaa xisbiyada Socialdemokratiet, Venstre, Radikale Venstre, Konservative Folkeparti, SF, Moderaterne, Liberal Alliance, Dansk Folkeparti, Danmarksdemokraterne, Enhedslisten og Alternativet. Waxa aad u codayn kartaa isku musharax Denmark oo dhan.

5. Sidee ayay dadku u codaynayaan?

Waxa aad ka codaynaysaa xarunta codaynta deegaankaaga oo ku qoran kaadhkaaga codaynta. Badanaa waxaa weeye hool isboorti ama dugsi.

6. Maxaad u baahan tahay si aad u codayso?

Waa inaad soo qaadato kaadhkaaga shakhsi ahaaneed ee codaynta iyo aqoonsi sax ah.

*Aqoonsiga saxda ah waxaa weeye baasboor, liisanka gaadhiga ama kaadhadhka codaynta (nuqulada app-ka ayaa sidoo kale shaqaynaya)

7. Sidee ayuu ruux u heli karaa kaadhka codaynta?

Kaadhka codaynta ee daabacan waxaa lagu soo diri doonaa boosta waxaan ka danbaynin shan maalmood kahor doorashada.

8. Sidee ayuu ruuxu u heli karaa kaalmo maalinta doorashada?

Waxa aad ku heli kartaa kaalmo xarunta codaynta. Hadii aad qabto wax su’aalo ah, waxa aad marwalba ka dalban kartaa ruux wakhtiga ku deeqay oo meesha jooga ama saraakiisha doorashada oo caadiyan xidhan sumad ama aqoonsi.

Waxaad heli kartaa kaalmo dheeraad ah ama isticmaalka aalad kaalmo oo dhamaan xarumaha codayn ah hadii aad laxaad la’ dahay. Waxa aad sidoo kale dalban kartaa in dawladaada hoose loo bedelo xarunta aad ka codaynayso mid kale oo leh aalada kaalmada ee daruuriga ah.

9. Maxay tahay inaad u codayso?

Codayntu waa xuquuq dimuqraadiyad. Waxaa weeye qaab loo saamayn karo siyaasadaha saamaynta ku leh adiga iyo noloshaada.

Codaynta doorashada Baarlamaanka Yurub waxay u muhiim tahay sida codaynta doorashooyinka deegaankaaga ilaa 58% ee dhamaan xeer dejinta Denmark oo lagu sameeyay EU.

Sidee ayay dadku u codaynayaan?

Følg os